JTI

Agaasimaha Guud ee Machadka Tababbarka Garsoorka Soomaaliya Mudane Axmed Maxamuud Xasan, ayaa maanta ka qayb galay tababbar loo sooxirayay 35 garsoore oo dhawaan loo qaatay Garsoorka Hirshabeelle tababarkaas oo soconayay 21 maalmood.

Agaasimaha Machadka Tobabarka Garsoorka dalka ayaa Macalimiintii Tababarka bixinayay uga Mahadceliyay sida wanagsan ee ay Duruusta ubuxinayeen wakhtiga iyo juhdiga ay galiyeen.

Kusimaha Guddoomiyaha Maxkamadda sare Mudane Salax Sh Ibrahim Dhiblaawe, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Hirshabeelle iyo guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa Mac-hadka Tobabarka Garsoorka dalka uga mahadceliyey qabashada tobabarkan, iyagoo Ku booriyay Doorka Machadku kaqadanayo Hormarinta garsoorka dalka

waxaana Garsooreyaashii Tababarka Qaatay kula dardaarmeen inay Si daacadnimo ah ogu adeegaan bulshada.

Agaasimahu waxa uu umahadceshay hayadaha International Development Law Organization– IDLO iyo U.S. Department of State: Bureau of Intl Narcotics & Law Enforcement (INL) oo kala shaqeeyay machadka qabashada tababbarkaan.

Machadka Tababbarka Garsoorka waxa uu hiigsanayaa taabbagelinta garsoor hufan ayna astaan un tahay xirfad, aqoon iyo anshax wanaag.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *