JTI

Machadka Tababbarka Garsoorka soomaliya Waxaa si habsami leh ugu qabsoomay toddobaadkii labaad Tababar soconayay Mudo sedex todobaad ah.

Tababbarka waxaa ka faa’iidaysanaya 35 Garsoore oo dhawaan loo qaatay Garsoorka “Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle”.

Tababbarka waxaa xoogga lagu saaray “Xeerka madaniga iyo Xeerka Habka Madaniga oo ay kamid ahayeen Wilaayada Garsoorka , Dacwada Madaniga , Qaadista Dacwada iyo Xukunka Maxkamada ”.

Agasimaha Guud ee Machadka Tababarka Garsoorka soomaaliya Mudane Axmed Maxamuud Xasan ayaa bogaadiyay tababarayaasha bixinaya casharada, sidoo kalena kudhiiragaliyay Tababartayaasha in ay ka faa’iidaystaan Tababarkan qiimaha badan .

Machadka Tababbarka Garsoorka Soomaaliya waxa uu had iyo jeer u taaganyahay tayaynta Garsoorka Dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *