
Muqdisho, 31 Luulyo 2025 – Machadka Tababbarka Garsoorka Soomaaliya ayaa soo gaba gabeeyay tababbar socday 8 maalmood oo loo qabtay garsooreyaal ka kala yimid dowlad-goboleedyada iyo dowladda Federaalka.
Tababbarkan oo si gaar ah diiradda loogu saaray Xeerka Qoyska iyo Xeerka Habka Madaniga ayaa waxaa si rasmi ah u soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, Mudane Siciid Cali Maxamed. Wuxuu bogaadiyay dadaalka garsoorayaasha iyo muhiimadda ay leedahay in bulshada loogu adeego si cadaalad, hufnaan iyo aqoon ku dheehan tahay.
Agaasimaha Machadka, Axmed Maxamuud Xasan (Heeraab), ayaa uga mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha iyo cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta tababbarka.


Leave A Comment