
Kismaayo, 26 July 2025 – Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Jubaland Mudane Abdishakuur Sheik Mohamed Rashiid oo uu weheliyo Xeerilaaliyaha guud ee Jubaland Mudane Nuradiin Mohamed Khaliif ayaa maanta si rasmi ah uga gudoomay Agaasimaha Machadka Tababbarka Garsoorka Soomaaliya Mr Ahmed Maxamuud Xasan Heeraab Manaahijta Tababbarada Garsoorka Dalka oo uu soo diyaariyay Machadka Tababbarka Garsoorka Soomaaliya.
Manaahijtan ayaa ka kooban Todobo maado oo Kala ah
1- Hagaha Tababbarka Xeerka Ciqaabta Soomaaliya
2- Hagaha Tababbarka Xeerka Habka Ciqaabta
3- Hagaha Tababbarka Xeerka Madaniga Soomaaliya
4- Hagaha Tababbarka Xeerka Habka Madaniga Soomaaliya
5- Hagaha Tababbarka Hannaanka oogida iyo Difaaca dacwadaha
6- Hagaha Tababbarka Anshaxa Garsoorka
7- Hagaha Tababbarka Shaciyaqaanka : Daaraasayn sababayn iyo Qoris
Garsoorka Dawladda Jubaland ayaa soo dhaweeyay islamarkaana uga mahadceliyay Macahadka Tababbarka Garsoorka Soomaaliya soogaarsiinta uu soo gaarsiyay Manaahijtan oo tiradooda guud dhantahay 210 manhaj.
.


Leave A Comment