
Garoowe, 15 Luulyo 2025: Guddoomiye Ku Xigeenka Maxkamadda Sare ee Puntland, Mudane Axmed Shekh Cumar, ayaa si rasmi ah u furay tababbar socon doona muddo saddex maalmood ah oo loo qabtay Garsooreyaasha iyo Xeer-ilaaliyeyaasha Puntland.
Tababbarkan waxaa soo qabanqaabiyay Machadka Tababbarka Garsoorka Soomaaliya, waxaana diiradda lagu saaraya la dagaalanka dambiyada tahriibka iyo ka ganacsiga dadka, iyadoo la xoojinayo aqoonta iyo xirfadaha la xiriira dacwad oogista iyo garsooridda dambiyadaas culus.
Agaasimaha Guud ee Machadka, Mudane Axmed Maxamuud Xasan Heerab, ayaa sheegay in tababbarradu sii socon doonaan, isagoo ku booriyay ka qaybgalayaasha in ay si dhab ah uga faa’iidaystaan fursadan muhiimka ah.
Tababbarkan waxa uu qeyb ka yahay dadaallada lagu tayeynayo hay’adaha caddaaladda si ay ugu adeegaan bulshada si hufan, oo sharci ah.




Leave A Comment